Dawlada Bangladesh Oo Faragalisay Dibi Lagu Naaneyso Trump Oo la Qalayay Maalinta Ciida Odxa.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dalka Bangladesh dibi lagu naaneyso Donald Trump oo u eg madaxweynaha Mareykanka oo loo iibsaday si loo qalo ciida carafo ayaa maanta Dowlada dalkaasi faragalisey oo diiday in la qalo sababo ammni awgeed, kadib markii muuqaalo laga duubay dibigaasi ay baraha bulshada ugu faafeen si wayn.

Dowlada ayaa qofkii soo iibsaday u celisey lacagtiisii, waxaana loo qaaday beerta xayawaanka ee Dhaka Zoo si halkaas loogu ilaaliyo, sida ay warisey Reuters.