Ku-xigeenkii hore ee Taliyaha Ciidanka Israa’iil, Yair Golan, oo ka falcelinaya heshiiska Mareykanka iyo Iiraan ayaa yiri: “Maanta waa maalin adag oo murugo leh ay wajahayso Israa’iil.
Shacabka Israa’iil waxay saaka ku soo tooseen heshiis Mareykanka iyo Iiraan gaareen, heshiiskaas oo la sameeyay iyadoo Israa’iil aan wax talo ah laga weydiin.
Hal saxiix oo keliya ayaa meesha ka saaray guulo militari oo waaweyn oo lagu gaaray geesinimada duuliyeyaasha iyo askarta Israa’iil.
Dhanka kale, Netanyahu wuxuu ahaa qof aan wax saameyn ah lahayn, daciif ah, go’doonsan, kana baxay miiska go’aan qaadashada.
Trump wuxuu saxiixay heshiis balaayiin doollar siinaya dawladda Iiraan,iyadoo weli aan wax laga beddelin barnaamijkeeda nukliyeerka iyo awooddeeda gantaallada, taasoo fursad cusub oo ay ku sii jirto siinaysa dawladda Tehran.
Netanyahu sannado badan wuxuu dadka u sheegayay inuu yahay qofka ugu awoodda badan dhinaca amniga.
Laakiin maanta wuxuu noqday mas’uulka fashilka istaraatiijiyadeed ee ugu weyn ee Israa’iil soo mara.
Netanyahu wuxuu faa’iido u yahay Xamaas, wuxuu faa’iido u yahay Iiraan, wuxuuna faa’iido u yahay Xisbullah
Laakiin wax faa’iido ah uma laha Israa’iil.”
