Trump Oo Israa’iil Uga Digay Weerarada Dheeraadka ah Ee Lubnaan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil ay tahay inay mas’uuliyad dheeraad ah ka muujiso xaaladda Lubnaan.

“Waxaan xiriir aad u wanaagsan la lahaa Bibi, balse hadda Bibi waa inuu noqdaa mid mas’uuliyad badan ka qaata arrimaha Lubnaan,” ayuu yiri Trump.

Trump ayaa sidoo kale ka hadlay weerar uu sheegay inuu arkay, isagoo ku tilmaamay mid aad u xooggan oo xad-dhaaf ahaa.

“Waxaan arkay weerarkaas. Waxaan arkay halkii uu bamku ku dhacay. Wuxuu ahaa weerar aad u daran, aad buuna uga badnaa intii loo baahnaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.