Trump Oo Amiirka Qadar ku Amaanay Maalgalinta Maraykanka Iyo Dadaaladii Nabada Iran Uu ka Qaatay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa maanta si weyn ugu mahadceliyay Amiirka Qatar, Tamim bin Xamad Al Thani, isagoo sheegay in Qatar ay door muhiim ah ka qaadatay dadaalladii lagu gaaray is-afgaradka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

Trump ayaa yiri: “Waad dagaallanteen, waadna naga caawiseen si geesinimo weyn leh. Mar walba waxaad ahaan doontaa saaxiibkay.”

Sidoo kale Trump ayaa Amiirka Qatar, Sheikh Tamim Al Thani u sheegay In hogaanka Iran uu ka wanaagsan yahay hogaankii hore waxuuna yiri;“Waxaan aaminsanahay in Iiraan ay maanta leedahay hoggaan ka macquulsan kana miisaan culus kii hore.”

Trump, ayaa sidoo kale sheegay in Qatar ay dalka Maraykanka ku maalgalinayso lacag horleh oo gaadhaysa 1 Tiriliyan Dolar.

Hadalka Trump wuxuu ahaa ammaan uu u jeediyay doorka Qatar ee dhexdhexaadinta iyo taageerada dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu dejinayay xiisadda Iran, iyadoo Doha ay ka mid ahayd dalalkii sida weyn uga shaqeeyay heshiiska hadda la isku afgartay.

Dhanka kale Trump oo ag fadhiya amiirka Qatar ayaa sheegay in Syria uu isaga maamulo, madaxweynaha hadda jooga na uu isagu soo dirsaday

“Aniga ayaa mas’uul ka ah arrimaha Suuriya, ninka hadda maamula Syria na waa qof aan anigu meesha geeystay, anigoo kaashanaya Madaxweyne Erdoğan iyo dad kale oo dhowr ah”

“​Isagu ma aha wiil dhalinyaro ah oo naxariis badan (Boy Scout), laakiin wuxuu qabtay shaqo la yaab leh oo uu dib ugu soo kabay dalka isla markaana uu isugu keenay.”