Qodobbada ku jira heshiiska Mareykanka iyo Iran ee lagu soo afjarayo dagaalka ayaan weli la soo saarin, balse waxaan warar dheeraad ah oo aan ka maqalnay saraakiisha labada dhinac.
Tan iyo markii heshiiska lagu dhawaaqay Axadii, waxaa soo baxayay fariimo iska soo horjeeda oo ka imaanayay mas’uuliyiinta Washington iyo Tehran oo ku saabsan sida uu u ekaan doono.
Iran maxay tiri?
Ballanqaadyo dhaqaale: Afhayeenka arrimaha dibadda ee Iran, Esmail Baghaei ayaa sheegay shalay Mareykanka inay ka go’an tahay inay qaadaan tallaabo dib loogu dhisayo Iran iyo in laga qaado cunaqabateynta dhaqaale.
Marinka Hormuz: Baghaei waxa kale oo uu sheegay in Cumaan iyo Iran ay qaadi doonaan “tallaabooyin lagama maarmaanka ah” si loo xaqiijiyo marinka “nabdoon” ee maraakiibta mara marin biyoodka muhiimka ah.
Lubnaan: “Lubnaan iyo dhammaadka dagaalka Lubnaan waa qayb aan laga sooci karin oo ka mid ah heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka,” ayuu yiri Baghaei shalay, isagoo intaas ku daray in Mareykanku “ay ku qasban yahay inuu xaqiijiyo” in Israa’iil ay raacdo.
Maraykanku muxuu yiri?
Ballanqaadyo dhaqaale: Trump ayaa ku tilmaamay rajada laga qabo in lacag lagu maalgeliyo Iran wax lagu qoslo. Waxay timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanku uu diyaar u ahaa inuu u oggolaado sanduuqa maalgashiga ee Iran si loogu beddelo heshiiska Tehraan ee xallinta kama dambaysta ah.
Marinka Hormuz: Trump waxa uu sheegay Axadii in marin biyoodka Hormuz la furi doono marka la saxiixo heshiiska hordhaca ah, balse ma uusan bixin tafaasiil ku saabsan cidda xakamayn doonta.
Lubnaan: Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa shalay sheegay in ka bixitaanka Israel ee Lubnaan aanu qayb ka ahayn heshiiska.
