“Heshiiska Lala Galay Iran Maaha Mid kama Danbays ah..”Trump Oo Hanjabaad Iyo Digniin u Diray Iran

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska is-afgaradka (Memorandum of Understanding) ee lala galay Iran uu yahay oo keliya kordhin xabbad-joojin isla markaana uusan ahayn heshiiska kama dambays ah ee labada dhinac.

Trump ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in heshiiskan uu furayo waddo wada-hadallo dheeraad ah oo soconaya muddo 60 maalmood ah si loo gaaro heshiis rasmi ah oo dhameystiran.

Trump ayaa sidoo kale xusay inuu haysto ikhtiyaarka 60-ka maalmood, isagoo ka digay in haddii aan heshiis kama dambays ah lagu gaarin muddadaas, uu awood u yeelan doono inuu qaado tallaabo kasta oo uu u arko inay lagama maarmaan tahay.

Trump ayaa sidoo kale jawaab adag ka bixiyay go’aanka dawlada Iran ay mar kale ku xirtay marinka Hormuz waxuuna yiri:-“Marinka Hormuz waan la wareegi doonaa mar aan fogeyn, Iiranna ma ahaan doonto dal jira.”