Dacwad iyo olole culus ayaa ka socda gudaha caasimadda Maraykanka ee Washington, taas oo ku saabsan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo lagu eedeyey musuqmaasuq iyo ku tagri-fal awoodeed.
Arrintan waxaa si xooggan uga shaqeynaya Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo khubaro caalami ah oo ku caan baxday ololeyaasha siyaasadda ee Maraykanka.
Stryk Global Diplomacy oo bilowday dacwaddan ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo qoyskiisu ay ku lug leeyihiin fadeexadda weyn ee musuqmaasuqa Minesota oo Soomaali badan loo xirxiray.
Tallabadan ayaa ku soo aaday xilli ay kacsan tahay xaaladda soomaaliya, caasimadda Muqdisho ay ka dhaceen is hor imaadyo hubaysan, laguna muran san yahay sharciyadda Madaxwayne Xasan Sheekh iyo doorashada dalka, waxa ayna saameyn doontaa doodaha beesha Caalamka ee haatan ka socda dalka.
Robert Stryk, oo ah siyaasi iyo la-taliye fadhigiisu yahay Washington, kuna soo guulaystay dacwado badan oo la xiriira ku takri-falka awoodda iyo musuqa, madaxna ka ah Stryk Global Diplomacy, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Xasan sheekh in uu iscasilo.

