Hoggaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan, Naciim Qaassim, ayaa sheegay in Israa’iil aysan “lahayn khiyaar kale oo u furan” oo aan ka ahayn inay si shuruud la’aan ah uga baxdo Lubnaan.
Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sidoo kale diiday wax kasta oo caadiyeynaya xiriirka labada dal.
Khudbad uu telefishinka ka jeediyay oo ay dhageysanayeen tobannaan kun oo ka mid ah taageerayaashiisa munaasabadda Caashuuraa, ayuu ku yiri: “Israa’iil ma haysato wax kale oo ay doorato oo aan ka ahayn inay si buuxda uga baxdo taako kasta oo ka mid ah dhulka Lubnaan,Israa’iil waa inay baxdaa iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.”
Iyadoo mas’uuliyiinta Lubnaan iyo Israa’iil ay wada-hadallo toos ah ku leeyihiin Washington, Qaassim wuxuu sheegay in kooxdiisu “aysan aqbalayn wax caadiyeyn ah oo xiriirka labada dhinac ah, mana aqbalayso in la soo afjaro xaaladda colaadda, ama faa’iido kasta oo ay Israa’iil hesho, ama joogitaan kasta oo ay ku yeelato dhulka Lubnaan… Israa’iil waa inay ku baxdaa iyadoo la bahdilay lagana adkaaday, waana dhici doontaa.”
Ururka Xisbullah ee Lubnaan waxaa taageera Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyadoo Tehran ay sheegtay inay tixgelinayso danaha kooxda heshiiskii u dambeeyay ee ay la gashay Maraykanka iyo wada-hadallada weli socda ee u dhexeeya labada dal.
