Dowladdaha Sacuudiga iyo Qatar Oo ka Iibsaday Israa’iil Nnidaamyo Difaac Iyo Gantaallo

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladdaha Sacuudi Careebiya iyo Qatar ayaa ka iibsaday shirkadaha difaaca Israa’iil ee Elbit Systems iyo Israel Aerospace Industries (IAI) nidaamyo difaac oo horumarsan, gantaallo iyo qalav loogu talagalay diyaaradaha dagaalka, iyadoo qiimaha heshiisyadu gaarayo boqolaal milyan oo Dollar.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in iibkaasi dhacay intii ay socdeen duulaankii ay Telaviv ku haysay Qasa, inkasta oo Israa’iil iyo labada dal aysan lahayn xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa, haddana Iibsiga qalabyaxa Milateri iyo agabyada muhiimka ah Waa socdaan.

Israaiil ayaa lacagtan u isticmaashay horumarinta nidaamyadeeda amniga ilaa howlgalada ciidamadeeda ay qeyb ka yihiin, taas oo muujinaysa wax ka duwan ficilka Doha iyo Riyaadh ee warbaahinta.

Dukumiintiyo iyo sawirro la helay ayaa muujinaya iskaashigan sida siriga ah kusocda, kaas oo fadeexad kunoqonaya xukuumaddaha cambaareynta warbaahinta sheega, haddana hoosta kala heshiiska ah Nidaamka Netanyaha.