Raysal Wasaarihii Xukunka ka Carartay Ee Bangladesh Oo ku Dhawaaqday Xiliga ay ku Noqonayso Dalkeda

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Raysal wasaarihii xukunka ka carartay ee Bangladesh Sheekh Xasiina, ayaa ku dhawaaqday in ay sannadkan dib ugu noqonayso dalka Bangladesh ka dib 2 sano oo ay magan gelyo ku joogtay waddanka Hindiya.

Sheekh Xasiina oo waraysi siisay Warbaahinta uu fadhigeedu yahay dalka Hindiya ee NDTV ayaa shacaa ka qaaday in ay ku noqonayso Bangladesh oo ay dil kaga xukuman tahay iyada oo ku dooday in aanay dhimasho ka cabsanaynin oo ay diyaar wax kasta u tahay.

Haweenaydan oo 78 jir ah muddo dheerna xukumaysay dalka Bangladesh ayaa sannadkii la soo dhaafay lagu xukumay dil xilli ay maqne ka ahayd dalkaas waxana fulinta xukunkeeda lala sugayey mar kasta oo jaanis lagu helo.

Lama oga in xukuumadda dalkaasi qaadi doonto tallaabo ka dhan ah Sheekh Xasiina haddii ay waddankaas dib ugu laabto ama in la cafiyi doono oo buugga naxariista loo eegi doono.