Horraantii toddobaadkan, Soomaaliya waxay ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo hoos taga Hay’adda Qaramada Midoobay ee Badbaadada iyo Nidaamka Gaadiidka Badda (IMO). Inkastoo warkan si dhaqso ah uga baxay warbaahinta, haddana waa markii ugu horreysay tan iyo 1960-kii oo Soomaaliya hal mar ansixiso heshiisyo intaas le’eg oo la xiriira arrimaha badda.
Heshiisyada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah heshiiska la dhaqangeliyay 2005 oo lagu xakameeyo falalka sharci darrada ah ee ka dhanka ah badqabka maraakiibta (SUA Convention), kaas oo Soomaaliya siinaya awood sharciyeed oo ay kula shaqeyn karto dalalka saaxiibka la ah baaritaanka maraakiibta looga shakiyo tahriibinta hubka ama taageeridda argagixisada.
Tallaabadan ayaa soo jiidatay Israa’iil, oo u aragta biyaha Soomaaliya inay ka mid yihiin marinada ay Iiraan u adeegsato gudbinta hubka ay gaarsiiso Xuutiyiinta Yemen. Wargeyska Israa’iil ka soo baxa eeYnet Global ayaa qoray in heshiisyadani ay abuuri karaan saldhig sharciyeed oo fududeyn kara iskaashi dhinaca amniga badda ah, waxaana ciwaan looga dhigay faallo uu wargeyskan baahiyay; “Soomaaliya waxay xirtay albaabkii hubka Iiraan.”
Heshiisyadu waxay sidoo kale xoojinayaan awoodda dowladda Soomaaliya ee kormeerka dekedaha, baaritaanka maraakiibta iyo xamuulka ay sidaan, isla markaana u oggolaanaya in la joojiyo ama la baaro maraakiibta laga shakiyo.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Dayax-gacmeedka ee Badda (IMSO), taas oo u sahlaysa inay hesho adeegyada isgaarsiinta dayax-gacmeedka ee muhiimka u ah badbaadada maraakiibta, howlaha gurmadka degdegga ah iyo ilaalinta biyaha dalka.
Heshiisyada ay Soomaaliya ku biirtay waxaa ka mid ah kuwo muhiim u ah maareynta iyo amniga biyaha dalka, sida:
• Heshiiska raadinta iyo badbaadinta dadka ku dhibaatooda badda (SAR)
• Heshiiska tababarka iyo shahaadooyinka badmaaxiinta (STCW)
• Heshiiska ka hortagga isku dhaca maraakiibta (COLREG)
• Heshiiska fududeynta isu socodka maraakiibta (FAL)
• Heshiiska cabbirka culeyska iyo mugga maraakiibta (Tonnage Convention)
• Laba borotokool oo la xiriira Heshiiska Badbaadada Nolosha Badda (SOLAS)
• Heshiiska u diyaargarowga iyo wax ka qabashada wasakheynta shidaalka ee 1990 (OPRC 1990)
• Heshiiska mas’uuliyadda iyo magdhowga wasakheynta shidaalka
• Borotokoolkii 1997 ee Heshiiska MARPOL ee ka hortagga wasakheynta badda
• Heshiiska ka hortagga falalka sharci darrada ah ee ka dhanka ah amniga maraakiibta (SUA) iyo borotokoolkiisii 2005

Screenshot

Screenshot

Screenshot
