Dowladda Somaliya Oo Shrdi ku Xirtay Qaadashada Baasaboorka iyo Safarrada Gudaha dalka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Luulyo 2026 uu Aqoonsiga Qaranka (NIRA) shardi u noqonayo muwaadin kasta oo codsanaya baasaboorka Soomaaliya.

War ay si wadajir ah u soo saareen Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa lagu sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu tayeynayo baasaboorka Soomaaliya iyo adkeynta isticmaalka dukumiintiyada rasmiga ah.

Sida lagu sheegay warka, laga bilaabo 1-da Luulyo, qof kasta oo dalbanaya nooc kasta oo baasaboorka Soomaaliya ah waxaa laga doonayaa inuu haysto Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Sidoo kale, dowladda ayaa shaacisay in marka la gaaro 1-da Oktoobar 2026, muwaadin kasta oo ku safraya gudaha dalka ay qasab ku noqon doonto inuu sito Aqoonsiga Qaranka si loo xaqiijiyo aqoonsigiisa inta uu safarka ku jiro. Inta ka horreysa muddadaas, soo bandhigista Aqoonsiga Qaranka ee safarrada gudaha waxay ahaan doontaa mid ikhtiyaari ah.

ICA iyo NIRA ayaa sidoo kale sheegay inay iska kaashanayaan tayeynta dukumiintiyada sharciga ah ee Soomaaliya, la dagaallanka dukumiintiyada been-abuurka ah, ka hortagga xatooyada aqoonsiga iyo ilaalinta xogta muwaadiniinta.

Labada hay’adood ayaa xusay inay sii xoojin doonaan wacyigelinta bulshada si loo kordhiyo isticmaalka iyo kalsoonida dukumiintiyada rasmiga ah ee ay bixiso Dowladda Federaalka.