Sacuudiga Oo Ma kale ku Celiyay Taageerada Uu u Hayo Midnimada Somaliya

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasiiradda arrinaha Dibada Sucuudiga iyo Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Wada hadalo dhanka Teleefanka iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya.

Amiirka ayaa sidoo kale sheegay taageerada hagar la’aanta ah ee Boqortooyada Sacuudiga u hayso madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo gobannimada siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga badaha caalamiga ah iyo xaqiijinta xorriyadda isu socodka maraakiibta.