Qadar Oo Hor-istaagtay Heshiis ay Israel la Galaysay Shirkad Jarmal ah.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Israa’iil ayaa usoo bandhigtay shirkadda Jarmalka ah ee gaadiidka soo saarta ee Volkswagen, heshiis ay gudaha Jarmalka ku sameynayso nidaamyada difaaca Israa’iil ee Iron Dome, iyadoo ujeeddada heshiiskan ay ahayd inay Israa’iil ballaariso saameynteeda Yurub .

Sidoo kale heshiiskan ayaa waxaa hor istaagay sanduuqa maalgashiga dawladda Qatar oo leh 10.4% saamiyada shirkadda Volkswagen iyo 17% awoodda codbixinya go’aamada shirkadda, taasoo meesha ka saartay iskudaygii ay Israa’iil ku doonaysay shirkadan oo iska leh warshadaha ugu ballaaran Jarmalka inay heshiis la gasho, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu