Saturday, November 28, 2026

Siyaasiga Faransiiska Oo si Adag Uga Hadlay Awoodda sii Kordhaysa ee Shiinaha

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Siyaasiga Faransiiska,Jean-Luc Mélenchon oo u sharraxan xilka madaxweynaha ayaa khudbad uu shalay ka jeediyay magaalada Berlin ee dalka Jarmalka kaga hadlay awoodda sii kordhaysa ee Shiinaha, isaga oo sheegay in Maraykanka iyo reer Galbeedku aanay si fudud dagaal uga adkaan karin.

Wuxuu sheegay in Shiinuhu yahay dal aad u weyn, dadkiisuna badan yihiin, isla markaana leh awood uu isku difaaco. Wuxuu xusuusiyay in qarnigii 19-aad Ingiriisku dagaallo ku qaaday Shiinaha, si uu ugu khasbo inuu oggolaado in dalkiisa laga iibiyo maandooriyaha opium-ka.

Maandooriyahaas ayaa dad badan qabatin geliyay, caafimaadkooda iyo noloshoodana dhaawacay, taas oo dalka Shiinaha xilligaas sii daciifisay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinuhu maanta ka gudbay waayahaas, uuna noqday quwad aan si fudud loo cabburin karin.

Mélenchon wuxuu sidoo kale tilmaamay in awoodda Shiinuhu aanay ku koobnayn ciidanka iyo hubka, balse ay gaartay dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda. Wuxuu tusaale u soo qaatay nidaamka lacagaha ee CIPS, oo Shiinuhu u sameystay in bangiyadu si degdeg ah isaga kala diraan lacagaha, isaga oo barbar dhigay nidaamka SWIFT ee ay bangiyada dunidu isticmaalaan.

Sidoo kale Wuxuu caddeeyay farqiga u dhaxeeya labada nidaam, marka nidaanka Shiinaha la adeegsanayo keliya waxaad u baahantahay si aad lacag banki iyo dal kale u wareejiso keliya ilbiriqsiyo, halka nidaamka reee galbeedka ee duniddu adeegsato ee SWIFT uu u baahanyahay maalmo.

Wuxuu ku soo gabagabeeyay in Shiinuhu aanu maanta oo keliya la tartamayn reer Galbeedka, balse uu dhisanayo awood dhaqaale iyo mid tiknoolajiyadeed oo sii kordhinaysa saamayntiisa dunida.