Wadahadallada u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan Oo Horumar Sameeyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa horumar sameeyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Pakistan ayaa weli ku dadaalaysa sidii loo heli lahaa fursad lagu gaari karo heshiis diblomaasiyadeed, sida uu sheegay ilo xog ogaal ah, hase yeeshee weerar lagu qaaday kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla Sucuudiga ayaa hoos u dhigi kara fursadahaas.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo helo xal, ka hor inta uusan dagaalku sii fidin oo uu ka bixin xakameynta.

Waxaa barbar socda dadaalada yaraynta weerarada milatari ee Iiraan, iyada oo uu soo dhowaaday ballankii kama dambaysata ahaa ee madaxweynaha Maraykanka Donald trump uu ballan qaaday.

Trump wuxuu sheegay in laga yaabo iney wax iska badalaan Weerarada qorsheysan ee Iiraan lagu qaado hadii aysan heshiis gelin inta ka horeysa 8-da fiidnimo ee wakhtiga Washington, sida ay ku warantay ABC News.

Iran waxay u sheegtay dhexdhexaadiyeyaasha, in ay weli haysato 15,000 gantaal iyo 45,000 drone, isla markaana ay aaminsan tahay inay dagaalka ku guulaysanayso, sidaas darteedna aysan dib uga laabanaynin mowqifkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, in heshiis xabbad-joojin ah lagu gaaro waqtiga kama dambaysta ah ee uu dejiyay Trump 8-da fiidnimo xiliga Mareykanka weli waxay u muuqataa mid aad u adag, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Axios.