FBI-da Mareykanka Bilowday Howlgal ka Dhan ah Xarumaha Ganacsiga Somalida Ee Minneapolis.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada FBI-da Maraykanka ayaa saaka baaritaano ku sameeyay ganacsiyo ay Soomaali leeyihiin magalaada Minneapolis.

Warbaahinta ku dhow Trump ee Fox News ayaa waxyar ka hor baahisay inay hay’adda FBI-da Mareykanka bilowday howlgal baaritaan oo ka dhan ah 22 xarumo ganacsi oo ay Soomaalida ku leeyihiin magaalada Minneapolis, iyadoo xarumahaa la sheegay inay ku jirto xarumaha daryeelka caruurta ee loo yaqaano Childcare centers iyo xarunta Quality Learning Center oo caan ku noqotay tan iyo inta uu bilowday ololaha ka dhanka ah ganacsiga Soomaalida ee Minneapolis in si qaldan loo qoray erayga “learning.”

Baaritaanadan ayaa la xariira khiyaano (Fraud) la sheegay in xarumahan ay sameeyeen, iyadoo gobalka Minnesota oo kaliya Soomaali ku dhow 70 qof ayaa loo maxkamadeeyay lacago malaayiin ah oo la dhacay.

Go’aanka Imaaraadka Uga Baxay Ururka OPEC, ay Guul u tahay Trump Dhirbaaxo-na u Tahay Sacuugiga Iyo Ururka.

Wargeyska The Guardian, ayaa sheegay in go’aanka Imaaraadka Carabta uu maanta uga baxay ururka OPEC, ay guul u tahay Trump, dalalka kale ee khaliijka oo ururkan ku jira oo Sacuudiga uu hoggaaminaya ay u tahay dharbaxo weyn,maadaama awooddii lagu xakameyn jiray qiimaha shidaalka ay daciifi karto.

Warbixintu waxay sheegtay inuu Trump marar kale duwan ururkan si cad uu ku dhaliilay inay madax furasho u heystaan shidaalka oo xilliga ay doonaan qiimaha sare u qaadaan, taa oo ahayd awoodda kaliya ee lagu cadaadin jirey Trump, balse Imaaraadka ayaa hadda go’aanka uu ururkan uga baxay , wuxuu uga faa’iideysanayaa wax soo saar badan oo aan xaddiidna oo shidaalka ah inuu ku dhaqaaqo, taa oo sidoo kale ah waxa uu doonayo Trump.