Boqorka Ingiriiska, Charles III ayaa ka soo muuqday golaha Congress-ka Mareykanka, halkaa oo uu ka jeediyay khudbad xaasaasi ah oo ay warbaahinta Mareykanka iyo Ingiriiska ay ku sheegeen mid taariikhi ah.
Ma jirin boqor Ingiriis ah oo hore uga soo muuqday Congress-ka marka laga reebo hooyadii Elizabeth II.
Booqashadan waxay timid xilli xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Ingiriiska uu aad u kacsanaa.Xitaa Trump ayaa ku jeesjeesay ciidanka Ingiriiska oo uu ku sheegay kuwa aan tabar lahayn oo keliya heysta labo diyaaradood oo ciidan daabula.
Fadhiga Congress-ka ee Charles III uu khudbad ka jeediyay waxaa joogay xildhibaannada, senetarrada iyo dhammaan kooxda Trump.
Khudbaddan waa tii ugu horreysay ee Charles jeediyo isagoo boqor ah, waana dhacdo taariikhi ah oo hore u dhacday hal mar oo keliya, taasoo ahayd xilligii hooyadiis.
Marka laga reebo taas, boqor kale oo Ingiriis ah weligiis ma istaagin goobtan si uu Congress-ka ula hadlo.
Waxaa jiray su’aalo badan oo ku saabsan fariimaha uu gudbin doono, iyo in uu ka hadli doono xaaladaha gobolka.
Arrintan waxay timid xilli Ingiriiska uu bartilmaameed u boqday dhaliilaha Trump tan iyo bilowgii dagaalka Iiraan.
Ingiriisku kuma aysan oran Trump, keliya kulama jirno ee waxay si cad u yiraahdeen: “Ma geli doonno dagaal aan dan noogu jirin.”
Trump arrintaas wuxuu u arkay bahdil, wuxuuna si adag u weeraray ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer.
Laakiin , Trump ayaa ku kacay falal yaab badan inta ay socotay booqashada boqorka Ingiriiska, wuxuuna sheegay inuu oggaaday inay qaraabo yihiin boqorka Ingiriiska, sida uu qortay wargeyska Daily Mail.
Waxaa la sheegay in qoyska Trump, gaar ahaan dhinaca hooyadiis oo Scottish ah, ay leeyihiin asal gaara oo gaaraya ilaa 10 jiil oo ay la leeyihiin boqortooyadda Ingiriiska.
Trump ayaa xataa si kaftan ahaan u yiri:
“Wow! Mar walba waxaan rabay inaan ku noolaado qasriga Buckingham.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in hooyadiis ay jeclayd Charles markii uu ahaa amiir.
Laakiin marka laga tago kaftanka, waxaa jiray arrin culus oo soo baxday.
Sida ay maalin ka hor uu faafiyay wargeyska Financial Times , waxaa la helay codka safiirka Ingiriiska u fadhiya Mareykanka , Christian Turner oo leh:
“Xiriirka gaarka ah ee Mareykanka iyo Ingiriiska ma aha mid daacadnimo ku dhisan waa wax iska been ah, sida xaqiiqada ah Mareykanka ay qolo ayuu daacad u yahay oo xiriir gaar ah uu kala dhaxeeyaan waana Israa’iil.”
Tani waxay ahayd fariin culus oo timid xilli aad u xasaasi ah,iyadoo ay jiraan dhammaan dhacdooyinkan, Charles ayaa khudbaddiisa ka jeediyay Congress,wuxuu ku bilaabay xusuusin dhacdadii 11-ka September , iyo sida NATO u dhaqan gelisay qodobka 5aad si ay u difaacdo Mareykanka.
Wuxuu sidoo kale xusay sida labada dal ay uga wada shaqeeyeen dagaalladii adduunka iyo Afgaanistaan.
Isla waqtigaas, wuxuu si dadban u muujiyay in Ingiriiska uu ka sugayso Mareykanka inuu u istaago difaaca Ukraine.
Wuxuu Congress-ka ka codsaday inay isu diyaariyaan dagaal si loo difaaco Ukraine, oo uu ku tilmaamay safka ugu dambeeya ee difaaca reer galbeedka.
Wuxuu sidoo kale si adag uga hadlay isku daygii dil ee Trump, isagoo sheegay:”Falalkan rabshadaha ah weligood ma guuleysan doonaan.”
Waxaa kaloo jiray hadallo kastan ah oo boqorka Ingiriiska uu khudbadiisa ku soo daray , sida inuu yiri ;
“Haddii aanu annagu jirin (Ingiriiska), maanta waxaad ku hadli lahaydeen Faransiis (gudaha Maraykanka).”
Madaxweynaha Faransiiska , Macron ayaa si dhaqso ah hadalkan uga soo jawaabay ,wuxuuna yiri ; “Taasi waxay ahaan lahayd wax qurux badan oo casri ah.”
Ugu dambeyntii, wuxuu kaloo ka hadlay masiixiyada oo maalmihii u dambeeyay Trump uu isku soo bandhiyaya inuu yahay cidda ay tahay in looga dambeeyo, wuxuuna boqorka Ingiriisa ku sheegay masiixiyada inay tahay tiir lagu tiirsanaado, halka uu ku baaqay in laga hortago in qalabka beeraha loo beddelo hub xilligan adag.
