Madaxweynaha Iiraan Oo Sheegay in Qorshaha Mareykanka ay Fashil ku Dambeyn doonaan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in xannibaadda badeed ee uu Mareykanku ku soo rogay dekedaha Iran ay sii kordhin doonto amni darrada ka jirta Gacanka, isla markaana uusan gaari doonin ujeeddooyinkiisa.

War-qoraal ah oo maanta ka soo baxay madaxweynaha Iran wuxuu ku yiri: “Isku day kasta oo lagu soo rogo xannibaad badda ama cunaqabateyn kasta oo ka hor imaanaysa sharciga caalamiga ah waa mid fashil ku dambeyn doonta,” sida ay werisay BBC Arabic.

Masoud Pezeshkian ayaa intaa ku daray in tallaabooyinka noocaas ah “aysan kaliya ku guuldareysan doonin inay xoojiyaan amniga gobolka, balse ay dhab ahaantii horseedi doonaan xiisad iyo inay wiiqaan xasilloonida Gacanka.”

Dhinaca kale Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa sheegay inay waqti dhow dagaalka Iiraan dib ugu noqonayaan, iyadoo Mareykanka uu 24 saac ee u dambeysay u diray Israa’iil 6,500 tan oo hub ah, taasoo muujinaysa caalamad la isugu diyaarinayo dagaal dib u qarxa, sida ay werisey Fox News.

Screenshot