Iiraan Oo Dil Toogasho ah ku fulisay Arday Jaamacadeed Oo Lagu Helay Basaas-nimo

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Iiraan ayaa dil toogasho ah ku fulisay Erfan Shakourzadeh, oo ahaa arday 29 jir ah oo heerka labaad ee master-ka ka dhiganayay injineernimada hawada sare ee Jaamacadda Sayniska iyo Tiknoolajiyada Iiraan, kana shaqeynayay mashaariic la xiriira dayax-gacmeedyada.

Waxaa lagu helay dambiga basaasnimo, iyadoo Iiraan ku eedeysay inuu xog qarsoodi ah la wadaagay hay’adaha sirdooka Mareykanka CIA-da iyo Israa’iil Mossad.

Iiraan, waxaa kaloo ay sheegtay inuu gudbiyay xog ku saabsan dayax-gacmeedyo iyo howlwadeennada, isla markaana uu lacag ku heli jiray nidaamka dishitaalka ee Crypto,ka dib xiriirro la sheegay inay uga yimaadeen LinkedIn, WhatsApp iyo wicitaanno Google ah