Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa si kulul u cambaareeyay qorshaha Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), uu ku doonayo inuu safaarad uga furo Somaliland magaalada Qudus ee ay Israa’iil maamusho, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaas “qalad siyaasadeed” iyo jebin ka dhan ah mowqifka wadajirka ah ee Carabta iyo Muslimiinta.
Bayaan ay Xamaas soo saartay ayaa lagu sheegay in booqashada Madaxweynaha Somaliland uu ku tegay Israa’iil iyo kulamada uu la yeeshay madaxda Israa’iil ay yihiin tallaabo aan la aqbali karin, iyadoo ururku ku eedeeyay Israa’iil inay sii waddo gumeysiga dhulka Falastiin iyo xadgudubyada ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta.
Xamaas waxay sheegtay in furashada safaarad Somaliland ku yeelato Qudus ay ka hor imanayso qawaaniinta caalamiga ah iyo mowqifka guud ee dalalka Carabta iyo dunida Islaamka ee ku aaddan magaalada Qudus.
Ururku wuxuu ugu baaqay Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dhinacyada kale ee ay khusayso inay ka hortagaan tallaabo kasta oo horseedi karta in la jebiyo mowqifka mideysan ee ku saabsan arrinta Falastiin.
Dhanka kale, Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland, isagoo sheegay in booqashadiisu ay muujinayso fursadaha iskaashi ee u dhexeeya labada dhinac. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in booqashadan oo ah tii ugu horreysay ee noocan ah lagu soo gabagabeyn doono furitaanka safaarad Somaliland ku yeelato magaalada Qudus.
Israa’iil ayaa Somaliland aqoonsatay dhammaadkii sanadkii 2025, tallaabadaas oo ay si adag uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana dhalisay falcelin ballaaran oo heer gobol iyo caalami ah.
