Madaxweyne Trump ayaa sheegay in la saxiixay heshiiska Mareykanka iyo Iran. Hadalkan ayuu ka sheegay Trump intii uu socday kulanka uu layeeshay madaxweynaha Faransiiska Macron.
“Aad ayaan ugu faraxsannahay in aan sheego, waa la saxiixay,heshiiska waa la saxiixay” ayuu Trump yiri.
Xaflad rasmi ah oo heshiiska lagu saxiixayo ayaa lagu qaban doonaa toddobaadkan magaalada Geneva.
Dhanka kale, Sarkaal sare oo joogo Washington ayaa BBC-da u sheegay in qodobada lagula heshiiyay Iran in aysan ku jirin arrinta Lubnaan. Sarkaalka wuxuu sheegay in ay socdaan wadahadallo toos ah oo u dhexeeya Israel iyo Lubnaan.
“Hadii aysan Iran xakameyn karin Xisbullah iyo weerarada ka dhanka ah Israel, markaas Israel xaq ayey u leedahay in ay is difaacdo oo ka jawaabto” ayuu sarkaalkaas yiri.
Iran iyo isbahaysigeeda iyo Mareykanka iyo isbahaysigiisa waxay doonayaan in la soo afjaro dagaalka, lana gaaro heshiis nabadeed kaas oo la rajeynayo in ay ku jiraan “kooxaha gacan saarka la leh” ayuu yiri sarkaalka.
Dhinaca kale Trump ayaa markii uu ku dhawaaqay in la dhammaystiray heshiiska Iran iyo Maraykanka ayuu sheegay in maraakiibtu mari karaan Hormuz.
“Maraakiibtu waxay bilaabeen in ay ka gudbaan marinka Hormuz, qaar badan oo ka mid ahna waxay sidaan shidaal. Waxay marayaan qeybta koonfureed ee marinka oo gabi ahaanba ammaan ah. Waxaa jira waddooyin kale oo lagu gudbi karo.”
Hadallada Mr. Trump ayaa ku soo aaday kaddib markii uu shalay ku dhawaaqay in marinka Hormuz dib loo furi doono Jimcaha kaddib saxiixa heshiiska iyo “ka saarista miinooyinka,” isla markaana dib loo soo celin doono “isu socodka gaadiidka badda “.
