Israa’iil, Oo Qorshaynaysa Inay Yeelato Hubka Laysarka ah Ee Hawada sare kasoo Weerari-kara Dhulka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dawladda Israa’iil, ayaa qorshaynaysa inay noqoto dalkii ugu horeeyey dunida ee yeesha hubka laysarka ah ee hawada sare (Space-ka), la dhigi karo, si loogu weeraro bartil-maameedyo dhulka dushiisa ah.

Wasiirka Gaashaandhiga Israa’iil Israel Katz oo qorshahan ku dhawaaqay maalintii shalay, ayaa waxa uu sheegay in hubkan laysarka ah ee hawada sare ka hawlgeli kara uu yahay hub casri ah oo awood u leh inuu fuliyo weerar iyo difaaca gaashaandhiga labadaba.

Waxa kaloo uu Wasiirku tilmaamay in hubkan casriga ah iyo qorshihiisuba yahay in lagula dagaalamo khataraha gobolka Bariga Dhexe, sida Iran iyo in la yeesho awood weyn oo dhanka dagaalka hawada sare ah, iyadoo uu hubkana noqonayo kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dunida laga hirgeliyo, ayaa loo adeegsan doonaa in lagu soo rido gantaallada riddada dheer inta ay hawada ku jiraan iyo in lagu naafeeyo satalaytyada cadawga ee dagaalada loo adeegsado.

Falanqayeeyaasha amniga ayaa qaba in hubkani uu sidoo kale faa’iido amni iyo difaac u noqon karo dalalka heshiisyada iskaashi iyo diblomaasiyadeed kula jira dalka Israa’iil oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka mid tahay