Warar cusub ayaa kasoo baxay diyaarad shidaalka qaadda oo hawada ku siisa dayaaradaha dagaalka ee Mareykanka, taas oo ku dhacday galbeedka Ciraaq. Koox la yiraahdo Islamic Resistance in Iraq, oo ah urur ay ku mideysan yihiin dhowr maleeshiyo oo Iran taageerto, ayaa sheegatay inay soo ridday diyaarad Mareykan ah oo nooca Boeing KC-135 Stratotanker ah Khamiistii.
Kooxdu waxay ku sheegtay bayaan ay soo saartay in diyaaradda lagu soo riday “si loo difaaco madaxbannaanida iyo hawada dalka.” Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Mareykanka ayaa bixiyay macluumaad ka duwan. Sida uu sheegay United States Central Command, hawl samatabixin ah ayaa bilaabatay fiidkii Khamiista kadib markii diyaaraddu ku dhacday galbeedka Ciraaq.
Centcom waxay sheegtay in dhacdada ay ku lug lahaayeen laba diyaaradood, balse aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in diyaaradda lagu soo riday weerar cadow ama xabbado ka yimid ciidamada Mareykanka laftooda. Mid ka mid ah labada diyaaradood ayaa si nabad ah ugu degay dhulka, halka tan kale ay shil gashay.
Bayaan ay soo saartay Centcom ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhacdadu ka dhacday hawlgal militari oo lagu magacaabo Operation Epic Fury, isla markaana ay ka dhacday hawada ay gacanta ku hayaan xulafada Mareykanka.
Ilaa hadda lama shaacin tirada saxda ah ee dadka saarnaa diyaaradda markii ay dhacaysay. Caadi ahaan diyaaradaha noocan ah ee KC-135 waxay leeyihiin shaqaale u dhexeeya saddex ilaa shan qof. Shaqaalahan badanaa waxay ka kooban yihiin laba duuliye iyo qof loo yaqaan “boom operator,” kaas oo mas’uul ka ah ku shubidda shidaalka diyaaradaha kale iyaga oo hawada ku jira.
Diyaaradaha KC-135 Stratotanker waa kuwo muhiim u ah hawlgallada ciidamada cirka Mareykanka, sababtoo ah waxay hawada ku siiyaan shidaal diyaaradaha dagaalka iyo kuwa kale ee milatari, taasoo u oggolaanaysa inay safarro dheer sameeyaan ama ay hawada ku sii jiraan waqti dheer.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Mareykanku si weyn u kordhiyay joogitaankiisa militari ee Bariga Dhexe. Toddobaadyadii la soo dhaafay, Mareykanku wuxuu gobolka u diray tiro badan oo diyaarado militari ah si ay uga qayb qaataan hawlgallada ka dhanka ah Iran. Tan iyo markii Mareykanka iyo Israel ay bilaabeen weerarro ka dhan ah Iran 28-kii Febraayo, ugu yaraan toddoba askari oo Mareykan ah ayaa la dilay.
War ay daabacday wakaaladda wararka Reuters ayaa sidoo kale sheegaya in ilaa 150 askari oo Mareykan ah ay ku dhaawacmeen dagaallada ilaa hadda socda. Dhacdadan diyaaradda ku lug leh ayaa sii kordhin karta walaaca ku saabsan khatarta hawlgallada cirka ee ka socda gobolka.