Warbixin Laga Baahiyay Aqalka Cad Oo Daaha ka Fayday Siro Qarsoodi ah Oo la Xiriira Iram.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta ku dhow Aqalka Cad ee Axios, ayaa maanta sii daysay warbixin lagu sheegay inta ay socotay hanjabaadii uu Trump warbaahinta u marinayay Iiraan oo la xiriirtay inuu beegsanayo kaabayaasha tamarta Iiraan, in sidoo kale Mareykanku uu ka shaqeynayay wada-hadallo qarsoodi ah inuu la yeesho hoggaanka sare ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan.

Warbixintu waxay sheegtay madaxii hore ee sirdoonka guud ee Mareykanka, Tulsi Gabbard oo dhawaan shaqada ka tagtay inay xiriir la sameysay Madaxweynaha is maamulka gobolka Kurdistaan ee dalka Ciraaq, Nechirvan Barzani oo ay waydiisatay inuu ka shaqeeyo sidii uu ugu xiri lahaa hoggaanka sare ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan oo ay walaac ka qabtay hadallada Trump inay ku dhaliyaan weerarro hordhac ah inay qaadaan.

Tulsi, waxay u dooratay Barzani, sababtoo ah wuxuu muddo ku noolaa Iiraan, wuxuuna si fiican ugu hadlaa Faarisiga, isagoo xiriir wanaagsan la leh madaxda Iiraan. Waxay u sheegtay inay doonayso labo arrin sidii loo xaqiijin lahaa; in la fahmo ilaa inta ciidanka ilaalada ay ku qanacsanyihiin kooxda Iiraan ee wadahadallada kula jirta Mareykanka iyo in la helo waddo lagu dejiyo xiisadda loogana hortaggo hadallada aan kala joogsiga lahayn ee Trump inay ku dhaliyaan tallaabooyin inay qaadaan.

Madaxweynaha Kurdistaan ee dalka Ciraaq, Nechirvan Barzani wuxuu aqbalay inuu doorka qaato, maalmo ka dibna waxaa ugu yimid magaalada Erbil, oo xarun u ah maamulka Kurdistaan ee Ciraaq, qof ka socda ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan oo wata telefoon ammaan ah oo aan la dhex geli karin, ka dibna wuxuu la hadal siiyay taliyaha ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan, Jen.Ahmad Vahidi oo u sheegay inay kalsooni ku qabaan kooxda wadahadallada ee Iiraan, isla markaana aysan suragal ahayn xubno ka socda ilaalada kacaanka inay yimaadaan magaalada Erbil oo ay la fadhistaan wakiillo Mareykanka ka socda.

Hadda, Pakistan iyo Qatar ayaa ku jira dadaallada diblomaasiyadeed iyo wadahadallada u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan, halka Barzani uu u sheegay Aqalka Cad inuu diyaar u yahay sidii dhankiisa uu gacan uga gaysan lahaa wadahadallada.