Markab Shidaal Qaada Ee Imaaraadka Carabta Oo Laga Afduubtay Xeebaha Yemen

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Markab shidaal kuwa shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta lagu afduubtay xeebaha Gobolka Shabwa ee dalka Yemen.

Sida ay qortay Wakaaladda wararka ee Reuters, Ciidanka Ilaalada Xeebaha Yemen, ayaa sheegay in koox hubaysan ay Markabkan afduubteen, isla markaana ay u dhaqaajiyeen dhinaca Gacanka Caddan, Iyagoo filanayo inay la tegayaan xeebaha Soomaaliya.

Waxa kaloo ay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Yemen caddeeyeen in hadda la xaqiijiyey halka uu Markabku marayo, ayna socdaan dedaalo lagu soo badbaadinayo Markabka iyo shaqaalaha la socdaba.

Dhacdooyinka burcad-badeed ayaa todobaadkan ku soo noqday biyaha Soomaalida gaar ahaan kuwa Puntland oo dhowr markab lagu afduubtay.