Trump Oo si Adag Uga Hadlay Weerarada Ay Israel ku Heyso Lubnaan Markii Iran ku Tilmaanta

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxwayne Trump ayaa ka hadlay weerarada ay Israel wali ku heyso caasimada Beirut iyo koonfurta Lubnaan isagoo arintan ka hadlaya ayaa yiri: “Israa|l in ay maanta weerarto Lubnaan ma ahayn sax, annaga oo ku dhow in aan heshiis la galno Iiraan… mar danbe yeysan Israa|l weerarin Lubnaan, sidaasi oo kale iyana waa in aan la soo weerarin.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay wareysi kooban oo uu siiyay shabakada Trey Yingst, waxuuna cadeeyay inuu taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ka dib weerarradii maanta ka dhacay Beirut. Trump ayaa u muuqday inuu muujiyay niyad jabkiisa, isagoo adeegsanaya erayo uu ku weerarayo Netanyahu waxa uu sameynayo.

“Wuxuu u sheegay ra’iisul wasaaraha inuusan sameynin weerarro dheeraad ah oo ka dhan ah Hezbollah, sidaa darteed ma saameynayso heshiiskan inuu horay u socdo,” ayuu yiri Yingst.

Hadalkan Trump ayaa yimid markii uu Madaxa wadahadallada nabadda Iiran iyo Mareykanka sheegaya in weerarrada cusub ee Israa’iil ay ka geysatay Beirut ay muujinayaan in Washington aysan fulin ballanqaadyadeekeed oo aysan lahayn doonista ama awood ay sidaas ku sameyso.

Mohammad-Bagher Ghalibaf ayaa sheegay inaysan jirin “wax faa’iido ah” oo laga leeyahay ka hadalka sii socoshada “wadadan.” Iiraan waxay muddo dheer ku adkeysaneysay in Lubnaan ay ku jirto heshiis kasta oo ay la gasho Washington.

Weerarrada Israa’iil waxay yimaadeen maalintii Donald Trump uu ku adkeystay in heshiis la saxiixi doono, inkastoo Tehran aysan wali xaqiijin tan.