Saddex Qof Oo ku Dhintay Dabaal-degga Guusha Wareega 16-ka Ugu Gudbeen Xulka Mexico

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof oo ugu dhintay neef qabatin intii lagu guda jiray dabaal degyada koobka adduunka ee Magaalada Mexico, Talaadadii.

Haweeneey 48 jir ah iyo nin 44 jir ah ayaa sidoo kale ku dhintay dadweynaha isbuurtay ee daawanayay ciyaarta dalka Mexico ay uga badisay 2:0 Ecuador, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka ee caasimada, Arbacadii.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka, gaar ahaan aagga ku hareeraysan goobta xasuusta xorriyada ee Angel ee ku taala gudaha magaalada si loo xuso wareega 16aad ee ay u gudbeen xilka Mexico tan iyo 1986, sida ay sheegeen maamulka magaalada.

Dhinaca kale Booliska Belgium ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhinteen dab ka kacay dhisme dabaq ah oo ku yaalla magaalada Antwerp. Tirada saxda ah ee dhibbanayaasha lama oga weli, waxaana socda baadi-goob loogu jiro dadka ku haray gudaha dhismaha.

Adeegga dab-demiska ayaa sheegay in qiiq culus uu adkaynayo hawsha samatabbixinta.

In ka badan 200 qof ayaa ku nool dhismahaas oo ka kooban toban dabaq.